​Guddiga doorashooyinka Puntland oo akhrinta xeerar soo gaba gabeeyay

Image

GAROWE- Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa soo gaba-gabeeyay kulan muddo ku badan 7 casho uga socday magaalada Garowe, kaas oo ay uga doodayeen xeerarka Axsaabta siyaasadda iyo doorashooyinka dowladdaha hoose ee Puntland.

Guddoomiyaha guddiga Axmed Maxamed Cali Kismayo, ayaa faah faahin ka bixiyay akhrinta ay ku sameeyeen xeerarkaasi, wuxuuna sheegay inay labadaasi sharci dhammaantooda isha mariyeen islamarkaan  ku sameeyeen wax kabadal.

"Dhammaan labadaasi xeer waan akhrinay ishaan wada marinay annagoo xaraf xaraf u dul istaagnay, runtii howshaasi si wanaagsan ayay u qabsoontay inagoo wax kabadalis iyo wax ku darisba ku samaynay, sidaasi darteen waxaan dhawaan u gudbin doonaan Barlamanka markuu 15 bishan u furmo kalfadhigoodii Dastuuriga ah,"Ayuu yiri Axmed Kismayo.

Kismaayo, ayaa dhinaca kale xusay inay jiraan qodobo aysan wax kabada ku samayn, kuwaasi oo ay ka mid yahay kala xadaynta degmooyinka Puntland, isagoo sheegay in arrintaasi u daayeen xukuumadda iyo Barlamanka islamarkaana ay ka sugayaan inay u howlgalaan sidii arrintaasi loo caddayn lahaa.

Gabagabaynta akhrinta xeerarkan ayaa kusoo aadaya xilli guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland horyaallaan shaqooyin badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM