​Guddiga doorashooyinka Puntland oo akhrinta xeerar soo gaba gabeeyay

Image

GAROWE- Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa soo gaba-gabeeyay kulan muddo ku badan 7 casho uga socday magaalada Garowe, kaas oo ay uga doodayeen xeerarka Axsaabta siyaasadda iyo doorashooyinka dowladdaha hoose ee Puntland.

Guddoomiyaha guddiga Axmed Maxamed Cali Kismayo, ayaa faah faahin ka bixiyay akhrinta ay ku sameeyeen xeerarkaasi, wuxuuna sheegay inay labadaasi sharci dhammaantooda isha mariyeen islamarkaan  ku sameeyeen wax kabadal.

"Dhammaan labadaasi xeer waan akhrinay ishaan wada marinay annagoo xaraf xaraf u dul istaagnay, runtii howshaasi si wanaagsan ayay u qabsoontay inagoo wax kabadalis iyo wax ku darisba ku samaynay, sidaasi darteen waxaan dhawaan u gudbin doonaan Barlamanka markuu 15 bishan u furmo kalfadhigoodii Dastuuriga ah,"Ayuu yiri Axmed Kismayo.

Kismaayo, ayaa dhinaca kale xusay inay jiraan qodobo aysan wax kabada ku samayn, kuwaasi oo ay ka mid yahay kala xadaynta degmooyinka Puntland, isagoo sheegay in arrintaasi u daayeen xukuumadda iyo Barlamanka islamarkaana ay ka sugayaan inay u howlgalaan sidii arrintaasi loo caddayn lahaa.

Gabagabaynta akhrinta xeerarkan ayaa kusoo aadaya xilli guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland horyaallaan shaqooyin badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM