Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka ee dowlada Puntland oo la daah-furay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay xafladda Daah-furka guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxaa ku wehelinaayey xafladdaasi masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, Dhakhaatiir, aqoonyahano iyo masuuliyiin kale.

Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland waa Guddi dowli ah oo ka shaqayndoona Hubinta, Ruqsad-siinta, Diwaangelinta, Kormeerka, Dhawrista iyo ilaalinta xirfadda Caafimaadka Dhulka Dowladda Puntland, waxaana uu Gudigu hoostegeyaa Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Karaash ayaa bogaadiyey oo dhiirigeliyey cid kasta oo kasoo shaqaysay Agaasinka xafladda iyo dhismaha Golaha Caafimaadka oo uu xusay in uu yahay Guddi muhiim ah oo wax badan Dowladda ka saacididoona.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xaqiijiyey in Dowladdu garab muuqda siindoonto, lana shaqayndoonto Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, si ay ugu fududaato shaqada muhiim ka ah ee ay u idman yihiin.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM