Guddiyada doorashada heer Federal iyo Puntland oo hadlay

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga Higalinta doorashooyinka dadban heer Puntland (GDGHDD) oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaaladda Garowe ee xarunta Puntland, ayaa  ugu baaqay isimadda saxiixayaasa ah iyo cuqaasha soo xulayo xubnaha aqalka hoose ee Barlamaanka federaalka inay u hoggaasamaan go’aamadii madasha hoggaanka qaran ee xaqiijinta qoondada haweenka.

Waxay sheegeen in ciddii laga waayo kursiga dumar xubintooda la laali doono inta go'aan laga gaarayo.

Guddoomiyaha  Guddiga, nabadoon khaliif Aw-cali, Saynab Ugaas Yaasiin iyo Faadumo Cabdi warsame oo xubno ka ah guddiga  oo shirka jaraa’id ku qabtay xarunta PDRC ee Garowe, ayaa codsaday beeshii leh saddex kursi mid kamid ah noqotaa haween.

Waxay sidoo kale soo hadal qaadeen qoondada haweenka ee Aqalka sare, iyagoo dowlad goboleedyad ka codsay in la xaqiijiyo kuraasta dumarku leeyihiin Senet-ka.

Dhinaca kale, War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga Hirgalinta doorashooyinka dadban ee dalka Somalia ka dhacay dabayaaqada sannadka 2016, ayaa ka hadlay waxyaabaha socda.

Guddigu, waxay sheegeen in shaqadu socoto islamarkaana dalka ka dhici doonto doorasho ka duwan kuwii horay u qabsoomi jiray.

Waxay xuseen inay tababarro siiyeen madax dhaqameedyada dalka islamarkaana hadda sugayaan liiska Ergooyinka doorashooyinka maamul goboleedyada dalka.

Hardan siyaasadeed oo xooggan ayaa laga dareemayaa deegaanada dalka, iyadoo abaabul xooggan loogu jiro isbadalka la filayo inuu dhaco 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM