​Guddoomiyaha Barlamanka Puntland oo Galkacyo tagay

Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa maanta gaaray magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug halkaas oo maalintii Axadda ahayd 21 Augusto, 2016 ka dhacay qaraxyo dad badan ku dhinteen.

Ujeedka booqashada Axmed Cali Xaashi ayaa ku saabsan xaaladda magaalada iyo qorshe loogu gurmanayo dadkii waxyeelladu kasoo gaartay dhibkii halkaasi ka dhacay.

Guddoomiyaha oo soo dhaweyn loo sameeyay ayaa booqday goobihii ay saameeyeen qaraxyadii ay ka dambeeyeen ururka Al Shabaab isagoo soo indha indheeyay suuqa Xero dayax ee degmada Galkacyo.

Wuxuu tacsi u diray dhammaan ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay falkaasi isagoo ALLE uga baryay intii dhimatay inuu u naxariisto halka kuwa dhaawaca ah u baryay bogsiimo dhaqso leh.

Axmed Cali Xaashi oo ka hadlayay gurmad laga sameeyo masiibadii dhacday ayaa shacabka ugu baaqay inay caawiyaan dadka taabalaysan islamarkaana u istaagaan sidii dib u dayactir loogu samayn lahaa goobaha waxyeelladu soo gaartay gaar ahaan suuqa iyo Cusbitalka Guud ee Galkacyo.

Booqashadan ayaa kamid noqonaysan mid uu halkaasi ku tagay ku-xigeenka madaxweynaha Puntland kaasoo tagay magaalada Galkacyo maalin kadib markii uu halkaasi qaraxyo xooggan ka dhaceen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM