​Guddoomiyihii haweenka gobolka Mudug oo la dilay [Dhagayso]

Image

GALKACYO- Guddoomiyihii ururka haweenka gobolka Mudug Dhudi Yusuf Aadan, ayaa saladdii Maqrib ka hor kooxo hubaysan ku dileen xaafadda Garsoor ee magalada Galkacyo xarunta gobolkaasi.

Wararka ku saabsan dilka ALLAHA u naxariistee Dhudi, ayaa sheegaya in kooxdan falkaasi gaysteen xilli ay ku sugnayd gurigeeda.

Mallayshiyadaasi oo ku hubaysnayd bastoolado ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana goordambe goobtaasi gaaray ciidamo katirsan dowladda Puntland kuwaas oo baaritaan ka sameeyay xaafadda dilku ka dhacay.

Majirto cid sheegatay falkaasi, balse muddooyinkii dambe kooxda Shabaab ayaa dilal caynkan iyo kuwo qaraxyo isugu jira ka gaysatay magalada Galkacyo.

Maamulka gobolka Mudug, ayaa arrintaasi ka hadlay, waxayna sheegeen inay aad uga xunyihiin falkaasi oo ay ku tilmaameen mid murugo ku reebay dhammaan shacabka gobolka Mudug.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolkaasi Axmed Muse Nuure-yare oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dhudi kamid ahayd dadka hal doorka ah ee usoo halgamay bulshada isagoo xusay inay ku xasuusan doonaan doorkii ay ka cayaartay hormarinta gobolka gaar ahaan dagaalkii lala galay mallayshiyaad katirsan Shabaab.

Dhudi ayaa qayb ka ahayd guddiga taakulaynta ciidamada Puntland, waxayn sidoo kale ku jirtay xubnaha sanduuqa dhaqaale ururinta gobolka Mudug, waxaana lagu xasuustaa kaalinti firfircoonayd ee ay kaga jirtay caawinta dadka iyo ka qayb qaadashada gurmadyada.

Waxaana Guddoomiyaha ku biiraysaa xubno kale oo haldoor ahaa kuwaasi oo siyaabo kala duwan loogu dilay magalada Galkacyo sannadkan gudahiisa, waxaana kamid ahaa Cumar Dheere oo  la dilay xilli salaaddii Maqrib uu kasoo baxay iyo xisaabiyihii wasaaradda maaliyadda ee gobolkaasi oo isna lagu dilay qarax.

Majirto cid loo soo qabtay falalkaasi, waxaana lagu soo koobay baaritaano iyo in lasoo qaban doono dhagar qabayaashii ka dambeeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM