Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo Ka Badbaadey Rasaas Lala Beegsadey

Image

GAROWE, Puntland - Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdulahi Faroole ayaa ka badbaadey caawa rasaas uu la beegsadey taliyaha ciidamada booliska Puntland Cabdulqaadir Farax Shire Ereg.

Wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in rasaastaan markii ay dhacdey xubnahaani fadhiyeen kulan looga hadlayey amniga kaasoo ka dhacayey Hoteelka Juba oo ku yaal bartamaha magaalada Garowe.

Kulankaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka amniga Puntland, Gudoomiyaha gobolka Nugaal, Taliyaha la dagaalanka aragagixisada, Taliyaha Booliska iyo ku xigeenkiisa iyadoo wararku sheegayaa in Gen. Erag inta uu rasaastaan ridin goobta uu ka dhacey muran u dhexeeya sarakishaan.

Rasaastaan ayaa wararku sheegayaan in lugta ka haleeshey Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Bile Farax Cali iyadoo wararku sheegayaan in dhaawaciisa loo qaadey Isbitaalka guud ee Garowe.

"Taliyaha ayaa hadal dhexmarey labadaan xubnood kadib waxaa uu iska soo gooyey Bistoolad isagoo damcey in madaxa uu kaga dhufto xabad balse rasaastaan waxay haleeshey taliye ku xigeenka booliska Puntland". sidaas waxaa Garowe Online u sheegey sarkaal ka tirsan Booliska Puntland oo diidey magaciisa.

Taliyaha Booliska Puntland oo horey xilka uu uga fariisiyey Madaxweyne ku xugeenka Puntland ayaa waxaa dib ugu soo celiyey shaqada Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas intii uu ku sugnaa magaalada Bosaaso.

Sanadkii hore 2016 ayaa is-raaseyn dhexmartey saraakiisha Booliska Puntland waxaa ku dhaawac culus kasoo gaarey Wasiirkii amniga Cabdi Xirsi Qarjab.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM