Gudoomiye ku-xigeenka Galkacyo oo Qarax ka bad-baaday

Image

GALKACYO, Puntland- Gudoomiye ku-xigeenka degmada Galkacyo ayaa ka bad-baaday isku day dil kadib markii gaarigiisa lagu xiray waxyaabaha qarxa, sida ay sheegayaan wararka soo gaaraya Garowe Online.

Gaari nooca raaxada ah oo uu watay Gudoomiye Farxaan Cabdi Gaafaa ayaa miino kula kacday nawaaxiga Warshada Kabidda ee Xaafada Israac.

Majirto wax khasaaro ah oo soo gaaray Gudoomiyaha marka laga yimaado bur-bur soo gaaray gaarigiisa oo ahaa nooca Raaxada.

Wararka waxay intaas ku darayaan in Gudoomiyaha iyo askar la socotay ay ka maqnaayeen baabuurka waqtiga uu qarxayay.

Majirto cid katirsan dowladda oo ilaa hadda ka hadashay weerarkaas iyadoo aysan jirin cid sheegatay mas'uuliyadiisa.

Balse kooxda Al Shabaab ayaa lagu tuhmayaan weerarkan.

Hada kahor waxaa qarax baabuurkiisa lagu xisay sannadkan lagu dilay Xildhibaan katirsan Barlamanka Puntland, kaasoo markii dambe u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM