Gudoomiyihii Somaliland ee Badhan oo "is-casilay" kuna biiray Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Cali Xuseen oo ku magac dheer Cali Soomaali, gudoomiyihii Somailand ugu magacownaa degmada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa is-casilay, sida ay ku warameyso warbaahinta dowladda Puntland.

Mr Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyey in uu Dowladda Puntland iyo shacabka gobolka Sanaag kula soo biiray difaaca dalka iyo "iska caabinta maamulka Hargeysa ee duulaanka ku ah degaanka".

Shaqo ka tegista mas'uulkaan ayaa kusoo aadeysa xili isbuucii hore saraakiil iyo askar maamulka gooni isu taaga ah u joogtay gobolka ay kasoo goosteen kuna soo biireen xoogaga dowladda Puntland.

Saraakiishaasi ayaa, sida ay wararku sheegayaan, waxay ka biyo diideen amar uga yimid madaxda Hargeysa oo ku aadanaa in ay weerareen wafdi ka socda dowladda Puntland oo ku sugnaa gobolka.

Sanaag, gobol dhaca waqoyga Soomaaliya, ayaa maamulkiisa waxaa isku haysta Puntland iyo Somaliland, kuwaasoo qaybo ka kala maamula, isla markaana ay u joogaan mas'uuliyiin dowladeed.

Go’aanka uu qaatay Cali Soomaali ayaa la sheegayaa in ay dharbaaxo kulul ku tahay isku deyada Somaliland, taasi oo ku guuldareystay in ay gargaar u fidiso shacabka ay abaarto saameysay ee halkaasi ku sugan.

Horaantii isbuucaan ayay ahayd markii degmooyin dhowr oo ka tirsan gobolka Sanaag ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo Somaliland, laguna taageerayo talaabada saraakiisha soo goosatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM