Gudoomiyihii Somaliland ee Badhan oo "is-casilay" kuna biiray Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Cali Xuseen oo ku magac dheer Cali Soomaali, gudoomiyihii Somailand ugu magacownaa degmada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa is-casilay, sida ay ku warameyso warbaahinta dowladda Puntland.

Mr Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyey in uu Dowladda Puntland iyo shacabka gobolka Sanaag kula soo biiray difaaca dalka iyo "iska caabinta maamulka Hargeysa ee duulaanka ku ah degaanka".

Shaqo ka tegista mas'uulkaan ayaa kusoo aadeysa xili isbuucii hore saraakiil iyo askar maamulka gooni isu taaga ah u joogtay gobolka ay kasoo goosteen kuna soo biireen xoogaga dowladda Puntland.

Saraakiishaasi ayaa, sida ay wararku sheegayaan, waxay ka biyo diideen amar uga yimid madaxda Hargeysa oo ku aadanaa in ay weerareen wafdi ka socda dowladda Puntland oo ku sugnaa gobolka.

Sanaag, gobol dhaca waqoyga Soomaaliya, ayaa maamulkiisa waxaa isku haysta Puntland iyo Somaliland, kuwaasoo qaybo ka kala maamula, isla markaana ay u joogaan mas'uuliyiin dowladeed.

Go’aanka uu qaatay Cali Soomaali ayaa la sheegayaa in ay dharbaaxo kulul ku tahay isku deyada Somaliland, taasi oo ku guuldareystay in ay gargaar u fidiso shacabka ay abaarto saameysay ee halkaasi ku sugan.

Horaantii isbuucaan ayay ahayd markii degmooyin dhowr oo ka tirsan gobolka Sanaag ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo Somaliland, laguna taageerayo talaabada saraakiisha soo goosatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM