​Hishiis hordhac ah oo laga gaaray arrinta Gallan [Dhagayso]

Image

BOSASO- Wararka aan ka helayno degmada Carmo gobolka Bari, ayaa sheegaya in lagu guulaystay waan waan nabadeed oo ay wadeen waxgarad, siyaasiyiin iyo qaar  kamid ah culimaa'uddiinka Puntland, taasi oo xal loogu raadinayay khilaafka xooggan ee ka dhextaagan xukuumadda iyo Guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan.

Arrimo dhawr ah ayaa lagu hishiiyay, waxaana kamid ah; In kala qaado ciidamada islamarkaana la isu soo laabto ciidda kadib, waxaana la sheegay in arrintaasi lagu xalliyay saan saanta colaadeed ee daagnaa todobaadkii hore degmada Carmo.

Guddoomiyihii hore gobolka Bari, Sheekh Cabdixaafid Cali Yuusuf, oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa sheegay in dadaal dheer loo galay sidii looga fogaan lahaa dhib ka dhex dahca shacabka Puntland, wuxuuna sheegay inay la isku afgartay sidii ciidamada looga rari lahaa degmada Carmo.

Cabdixaafid, ayaa xusay inay saan saan wanaagsan u muuqato islamarkaana ay rajaynayaan in wixii lakala tabanayo lagu dhammayn doon fadhi dambe, wuxuuna intaasi raaciyay in go'aanka soo baxay uusan ka amar diidi karin Cabdisamad Gallan.

Hishiiskan ayaa soo baxay xilli cabsi xooggan laga qabay isku dhac dhexmara ciidamada dowladda iyo kuwa daacadda u ah Guddoomiyihii hore gobolka Cabdisamad Maxamed Gallan, kaasi muddooyinkii dambe dhaliilayay siyaasadda madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM