Hogaamiye katirsan Daacish lagu dilay Duqeyn ka dhacday Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Duqeyn dhanka cirka ah oo shalay Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen deegaan katirsan Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Boggiisa Twitter-ka kusoo qoray in Taliye sare oo kamid ahaa Kooxda Daacish uu ku dhintay weerarka oo ka dhacay tuulada Bohoole, oo 70Km dhanka Bari uga beegan magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari.

Eng Yariisow ma uusan sheegin magaca hogaamiyaha la dilay, balse wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay dib fahfaahin uga bixin khasaaraha rasmiga ah ee Daacish kasoo gaarey doonto duqeynta ciidamada Mareykanka.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa shalay soo saarey war qoraalka ah oo uu ku sheegay in Duqeyn ka dhan ah Daacish ay ka fuliyeen deegaan ku yaallo Puntland, oo aysan magaciisa xusin, taasi oo uu ku dhintay hal dagaalyahan.

Warisidaha Garowe Online oo u kuurgalay weerarka, ayaa ogaaday in diyaarad dagaalka ay dhowr gantaal ku dhufatay Guri ku yaalla deegaanka Dhasaan, oo 60Km u jira degmada Qandalla, taasi oo lala eegtay Saraakiil sare oo kamid ah Daacish.

Dowladda Puntland wali kama aysan hadlin weerarka ka dhacay deegaanadeeda, kaasi oo ay ka hadleen Mareykanka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM