IGAD oo ka digtay Duufaan cusub oo kusoo wajahan Xeebaha Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ururka IGAD ayaa soo saarey digniin ku aadan in duufaan cusub oo lagu magacaabo Mekuku ay kusoo food leedahay xeebaha Puntland, waqooyiga bari ee dalka Soomaaliya.

Xarunta saadaasha cimilada ee IGAD (ICPAC) ayaa sheegtay maanta oo Jimco ah inay si dhaw ula socoto duufaantan oo daba socota Sagar oo sababtay roobab iyo fatahaado ku dhuftay deegaanada Puntland.

Duufaanta Sagar waxay kaloo garaacday gobollada Somaliland, gaar ahaan Awdal halkaasi oo ay ugu yaraan 25 qof iyo xoolo badan ay ku dishay, iyadoo reebtay saameyn xooggan oo burbur ah.

"Duufaanta waxay ka imaan doontaa dhanka dalka Yemen 26-ka May, waxayna kusoo wajahan tahay deegaanada Puntland, ee waqooyiga bari ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri digniinta cusub ee lasoo saarey.

Digniintan ayaa timid kadib markii duufaanta Sagar oo dabeylo wadatey ay todobaadkii lasoo dhaafey cagta marisay qeybo kamid ah Soomaaliya, iyadoo sababtay burbur iyo dhimasho badan, waxaana ay halis gelisay kumanaan caruur ah.

Gobolka Awdal Roobabkii ka da'ay ee dabeylaha watay waxay galaaftay nolosha 25 ruux, waxaana lagu la'yahay 27 kale, waxaana Saraakiisha gobolka ay sheegeen in boqolaal guri ay burbureen.

Dowladda Imaaraadka ayaa gurmad deg deg ah gaarsiisay deegaanada Somaliland ee ay ka jirto xaaladda bini'aadnimo, waxaana kaalmadan noqotay midii ugu horeysay oo la gaarsiiyo shacabka dhibaateysan.

Roobabka sanadkan ka da'aya Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwa ka culus roobabka xilliyadii hore, iyadoo ay barbar socdaan fatahaado ay sameynayaan webiyada Jubba iyo Shabeelle.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM