In kabadan 10 ruux oo ku dhimatay dagaal kasocda Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Dagaal goos-goos ah ayaa iminka ka socda meel qiyaastii 8km dhinaca Koonfureed kaga  beegan magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Isku dhacan ayaa saaka ka bilowday maxjar laga dhisayay xaafadda Garsoor ee magaalada Galkacyo, waxaana sida xogtu sheegayso dagaalku bilowday kadib markii dhisme halkaas kasocday is hortaag ku sameeyeen mallayshiyaad kasoo jeeda dhinaca Galmudug.

Dagaalka ayaa markii hore dhexmaray mallayshiyaad dhinaca Galmudug kasoo jeeda iyo dadka dagan xaafaddaas, balse iska hor-imaadka ayaa xoogaystay waxaana kusoo biiray ciidamo ka kala socda Maamulka Puntland iyo Galmudug.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhintay 12 ruux, halka  dhaawacu gaarayo 16 qof.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isu adeegsaday, waxaana dagaalku haatan kasocdaa halka lagu magacaabo Laamaha.

Majirto cid katirsan labada dhinac oo dagaalka ka hadashay, balse saraakiil la hadlay GO ayaa sheegay in mallayshiyaad ka Galmudug iyo gurmadkooda dib loo riixay.

Dagaalkan ayaa yimid xilli Galmudug ku doodaysay maalmahan in ciidamadooda lagu dilay duqayn ka dhacday Bariga Galkacyo.

Siyaasiyiin maamulkaas xilal kasoo qabtay ayaa warbaahinta marinayay hadallo dhiilo xambaarsan.

Labada maamulka ayaa sannadkii hore dhammaadkiisa dagaal xoog leh ku dhexmaray magaalada Galkacyo, balse waxaa gaareen hishiis ay ka shaqeeyeen dowladda Federalka iyo maamullada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM