Kalfadhiga 37aad ee Barlamanka Puntland oo furmey

Image

GAROWE, Puntland- Kalfadhiga 37aad ee Barlamanka Puntland ayaa saaka ka furmey xarunta magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Xildhibaanada Puntland ayaa saaka soo xaadirey fadhigaan iyadoo la filayo inuu halkaas khudbad Ka jeediyo Madaxweynaha Puntland Candiweli Maxamad Cali Gaas.

Fadhiga 37aad ee Barlamanka ayaa ku soo aadaya xilli ay Puntland cabashooyin farabadan ee la xiriira amni daro, dhaqaale xumo, Arimaha Federaalka Iyo kala guurka iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu halkaas ka akhriyo khudbad taabaneysa arimahaan iyadoo xildhibaanada su'aalo waydinayan.

Xildhibaanada Puntland ayaa shacabka uga baran xisaabtan dhab ah kuwasoo mar walba xaaladaha taagan ee gobolka dhaafsada danaha gaarka u ah.

Warsidaha GAROWEONLINE kala soco wararka Kalfadhiga 37aad ee Barlamanka Puntland. 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM