Karaash oo dhagax dhigay xafiiska dhallinyarada Karkaar

Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magaalada Qardho ka dhagax Dhigay xafiiska dhallinyarada gobolka Karkaar, kadibna Kormeeray Xerada ciidanka Xorgoble.

Dhagax dhigga xafiiska dhallinyarada ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey maamulka gobolka Karkaar, Kan degmada Qardho, Ku-simaha Guddoomiyaha dhallinyarada gobolkaasi iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Karaash ayaa tilmaamay in uu ka qayb qaadanayo hirgelinta dhismaha xafiiskaasi, waxa uu xusay in dhallinyarada degmada Qardho haldoor u yihiin dhallinta Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa dhallinyarada kula dardaarmay inay ka wada qayb-qaataan dhismaha xafiiska, waxaana uu tilmaamay in isku duubnida dhallinyarada ay horseed u tahay horumarka iyo dhismaha dalka.

Dhinaca kale Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa faray maamulka gobolka Karkaar inay taageeraan dhallinyarada, si ay ugu niyaadsamaadaan aaminaadda dalkooda, waxaana uu bogaadiyey wadashaqaynta hore ee ka dhexeysey maamulka iyo dhallinyarada Gobolka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeeray xerada ciidanka Xorgoble, taasi oo uu dhowaan Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni dhagax dhigay dhismihiisa oo haatan la dhammaystiray, si tayolena loo qaabeeyey.

Puntland State House

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM