Karaash oo shacabka Puntland ku booriyey bixinta canshuurta

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xalay magaalada Boosaaso kulan kula qaatay bulshada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Kulankan oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Taliyaha qaybta gobolka, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Karaash oo la hadlay shacabka ka soo qayb galay kalankaasi ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay iyadoo habeena inuu la kulmo bulshada magaalada, kalana xaajoodo nabadgelyada, horumarka iyo xasiloonida Boosaaso, waxa uu xusay in Boosaaso amni tahay, horumar ka socdo, intaasina ay ku hagaagayso wada-shaqaynta shacabka iyo dowladda.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay muhiimadda cashuurta ayaa xusay in ay qayb muhiima ka tahay cashuur bixintu dhismaha dowladnimada, Isla markaana uu xurmo gaar ah leeyahay cashuur-bixiyuhu, waxa uu ku booriyey shacabka reer Puntland, gaar ahaan kuwa Boosaaso inay bixiyaan cashuurta si dalka loo horumariyo Logan shaqeeyo amnigiisa.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa masuuliyiinta iyo shacabka gobolka Bari ku waaniyey inay ka wada-shaqeeyaan xasiloonida, nabadgelyada iyo horumarka gobolkooda, si cadawga ku Dhexjira gacan bir ah loogu qabto, taasna ay sahli karto ku xidhnaanta lambarada laamaha amniga ay isticmalaan hadba sida loo dhaqangeliyo.

Puntland State House

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM