​Keating oo Garowe kula kulmay Odoyaasha dhaqanka iyo haween

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, Michael Keating ayaa maanta magaalada Garowe kula kulmay Odoyaasha dhaqanka, haweenka u sharaxan Aqallada Barlamanka Somalia iyo mas'uuliyiinta wasaaradda haweenka Puntland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Cilmi baarista Puntland ee PDRC, ayaa diiradda lagu saarayay qoondada haweenka iyo in Odoyaasha dhaqanku dumarka kusoo daraan Xildhibaanada ay soo xulayaan.

Wakiilka ayaa dumarka u sheegay inay ka go'antahay sidii looga dhabayn lahaa ballanqaadyadii Madashada, wuxuuna lama taabtaan ku tilmaamay kuraasta dumarka laga siiyay labada Aqal ee Barlamanka Somalia.

Wasiirka wasaaradda haweenka Puntland Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa sheegtay inay dumarku yihiin laf-dhabarta bulshada, waxayna ku sifaysay kuwo kasoo bixi karo boosas sare iyadoo xustay in haweenka Somaliyeed yihiin kuwo aqoon leh.

Dhan kale shir dhexmaray wakiilka iyo Odoyaasha dhaqanka ayaa looga hadlay qoondadan, in kastoo aan loo ogolaan in saxaafaddu duubato, hadana qaar kamid ah dhuubabka dhaqanka ayaa Michael Keating usoo jeediyay in dumarka Somaliyeed aan la fasahaadin taasoo ayiday go'aan hogay uga soo baxay Culimada.

Waxay sheegeen in barnaamijkan yahay kuwo dumarka u horseedaya inay lumiyaan dhaqankii soo jireenka ah ee dalka, waxayna ku baaqeen in buumbuuninta laga daayo arrimahan ku aadan qoondada dumarka.

Waxaa xusid mudan in horay Odoyaasha dhaqanka uga cago jiidayeen inay haween kusoo daraan xubnaha ay usoo xulayaan Aqallada Barlamanka iyagoo xuskanaya arrimo la xiriira guurka, maadama haweenku inta badan u dhaxaan Qabaa'il kale, waxayna sheegeen inaysan matali karin.

Iyadoo taasi jirto ayaa dumarku ku adkaysanayaan inay helaan qoondadooda, waxaana Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee heer Puntland horay u sheegeen inaan la duudsin karin qoondad dumarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM