​Puntland: Dacwada Yacquub oo mar kale dib loo dhigay [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta mar kale la isugu yimi xarunta maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugal dacwadda loo haysto Guddoomiye ku-xigeenkii hore degmada Galkacyo Yacquub Maxamed Cabdalle kaasi oo dib loo dhigay Axaddii hore.

Kulankan ayaan waxba ka duwanayn kii dhacay 10-kii bishan, waxaana madasha dacwadayntu kasocotay lagu soo bandhigay eedaha loo haysto Mayor ku-xigeenkii hore iyadoo la sheegay inuu u gafay madaxweyne Gaas.

Balse difaacaha eedaysanahan ayaa madasha ka sheegay inaysan waxba ka jirin waxa loo haysto Yacquub Maxamed Cabdalla, isagoo ku dooday in xorriyadiisa dib loogu soo celiyo magdhowna laga siiyo xarrigga sharci darrada ah ee dusha looga tuuray.

Laakiin waxaa hadalka difaacaha gaashaanka ku dhuftay qareenka dowladda oo goobta ka caddeeyay inuu dambi ka galay madaxweyne Gaas islamarkaana ku xad-gudbay.

Dood kadib waxaa loo ballamay in dib la isugu soo laabto kiiskan iyadoo aysan jirin waqti cayiman oo madasha laga sheegay.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli dastuurka Puntland dhigayo awooda hadal taasoo muwaadinka u ogolaanaysa inuu aragtiisa si madax banaan u gudbisto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM