​Puntland: Dacwada Yacquub oo mar kale dib loo dhigay [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta mar kale la isugu yimi xarunta maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugal dacwadda loo haysto Guddoomiye ku-xigeenkii hore degmada Galkacyo Yacquub Maxamed Cabdalle kaasi oo dib loo dhigay Axaddii hore.

Kulankan ayaan waxba ka duwanayn kii dhacay 10-kii bishan, waxaana madasha dacwadayntu kasocotay lagu soo bandhigay eedaha loo haysto Mayor ku-xigeenkii hore iyadoo la sheegay inuu u gafay madaxweyne Gaas.

Balse difaacaha eedaysanahan ayaa madasha ka sheegay inaysan waxba ka jirin waxa loo haysto Yacquub Maxamed Cabdalla, isagoo ku dooday in xorriyadiisa dib loogu soo celiyo magdhowna laga siiyo xarrigga sharci darrada ah ee dusha looga tuuray.

Laakiin waxaa hadalka difaacaha gaashaanka ku dhuftay qareenka dowladda oo goobta ka caddeeyay inuu dambi ka galay madaxweyne Gaas islamarkaana ku xad-gudbay.

Dood kadib waxaa loo ballamay in dib la isugu soo laabto kiiskan iyadoo aysan jirin waqti cayiman oo madasha laga sheegay.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli dastuurka Puntland dhigayo awooda hadal taasoo muwaadinka u ogolaanaysa inuu aragtiisa si madax banaan u gudbisto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM