Koox ka tirsan Al-shabaab lagu soo qabtey xeebaha Puntland oo loo wareejiyanyo Muqdishu

Image

GAROWE, Puntland- Warar warsidaha Garowe Online ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in koox ka tirsan maxaabistii lagu soo qabtey dagaaladii xeebaha Puntland ku dhexmarey Ciidamada amniga iyo ururka Al shabaab maalmaha soo socda loo qaadayo magaalada Muqdishu.

Maxaabiista la qaadayo oo tiradooda gaareyso 26 ayaa wararkaan soo gaarey GO xusayaan in wareejintooda kawada shaqeeyeen hay'ada QM iyo dowlada Puntland iyadoo xogtaanu xuseyso in kooxdaan da'dooda lagu sheegey iney ka yartahay 15 sano.

Talaabadaan oo weli dowlada Puntland ka hadlin ayaa warsidaha GO waxaa uu fahansan yahay in maxabistaan loo wareejinayo xarun lagu dhaqan celinayo taasoo ku taal magaalada Muqdishu. Maxaabiita lagu qabtey dagaaladii ka dhacey xeebaha Puntland ee badweynta Hindiya ayaa qaar ka tirsan xabsiyo kala duwan lagu xakumay.

Kooxda Al shabaab oo weeraro ku soo qaadey xeebaha Puntland gaar ahaan degaanada Garacad iyo Suuj sanadkaan bilowgiisa ayaa dagaaladaan waxaa lagaga qabtey maxabiis kuwasoo ku jira xabsiyga dhexe ee magaalada Garowe.

Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa la rumeysan tan iyo intii xilka la wareegtey xabsiyada Puntland kasii daysay maxaabiis farabadan kuwasoo qaarkood falal argagixiso dib uga fuleeyeen magaalooyinka qaarkood.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM