Koox ka tirsan Al-shabaab lagu soo qabtey xeebaha Puntland oo loo wareejiyanyo Muqdishu

Image

GAROWE, Puntland- Warar warsidaha Garowe Online ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in koox ka tirsan maxaabistii lagu soo qabtey dagaaladii xeebaha Puntland ku dhexmarey Ciidamada amniga iyo ururka Al shabaab maalmaha soo socda loo qaadayo magaalada Muqdishu.

Maxaabiista la qaadayo oo tiradooda gaareyso 26 ayaa wararkaan soo gaarey GO xusayaan in wareejintooda kawada shaqeeyeen hay'ada QM iyo dowlada Puntland iyadoo xogtaanu xuseyso in kooxdaan da'dooda lagu sheegey iney ka yartahay 15 sano.

Talaabadaan oo weli dowlada Puntland ka hadlin ayaa warsidaha GO waxaa uu fahansan yahay in maxabistaan loo wareejinayo xarun lagu dhaqan celinayo taasoo ku taal magaalada Muqdishu. Maxaabiita lagu qabtey dagaaladii ka dhacey xeebaha Puntland ee badweynta Hindiya ayaa qaar ka tirsan xabsiyo kala duwan lagu xakumay.

Kooxda Al shabaab oo weeraro ku soo qaadey xeebaha Puntland gaar ahaan degaanada Garacad iyo Suuj sanadkaan bilowgiisa ayaa dagaaladaan waxaa lagaga qabtey maxabiis kuwasoo ku jira xabsiyga dhexe ee magaalada Garowe.

Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa la rumeysan tan iyo intii xilka la wareegtey xabsiyada Puntland kasii daysay maxaabiis farabadan kuwasoo qaarkood falal argagixiso dib uga fuleeyeen magaalooyinka qaarkood.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM