Ku xigeenka Puntland oo diidey soo dhoweynta Madaxweyne Gaas [ Daawo]

Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo dib ugu soo noqdey magaalada Garoowe ayaa waxaa garoonka diyaardaha ku soo dhoweeyey gudoonka Barlamanka ( Gudoomiyaha iyo labada ku xigeen) iyo xubno ka tirsan golaha xukuumada.

Gaas ayaa saxaafada uga warbixiyey kulankii madaxda maamulada iyo dowlada Federaalka ah ku yeesheen Baydhabo kaasoo uu sheegey in heshiisyo dhaxal gal ah lagu kala saxiixdey.

Garoonka diyaardaha ee magaaalo madaxa Puntland ee Garowe ayaa waxa ka maqnaa Madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiim Camey  iyadoo khudbadii lagu soo dhoweynayey Cabdiweli Gaas uu jeediyey Gudoomiyaha Barlamanka Axmad Cali Xaashi.

Farqiga siyaasadeed ee dhexeeya labada mas’uul ee u sareeya maamulka Puntland oo muddo labo bilood ku dhow aan si gaar ah iyo si guud u kulmin ayaa waxaa uu la xiriira is-fahan waa dhinaca, arimaha Khaliijka, dhaqalaha iyo colaada gobolka Sool  iyadoo mid-walba si ugu xiran yahay madaxda Villa Soomaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sida warsidaha GO ogaadey booqashadii Ergeyga gaarka ah uu ku yimid Garowe kulan uu kula qaatey guriga uu ka dagan yahay magaalo madaxda ku dacweeyey Madaxweyne Gaas.

Ergeyga ayaa sida wararku sheegayaan ka codudaaartey xalinta Khilaafka u dhexeeya labadaan mas’uul isagoo uu xusey in Garowe u yimid arimo kale ah ugu wayntahay colaada u dhexeysa Puntland iyo Somaliland.

Dhinaca kale Mudane Cabdixakiim Cameey oo dhowaan kasoo noqdey degmada Buhoidle ayaa ka gaabsadey inuu garoonka diyaardaha ku soo dhoweeyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sida aan wararku ku heleyno dooneyn xalinta Khilaafkaan iyadoo sida la ogsoon yahay mudadii Doorashada Puntland ka hartey 6 bilood oo kaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM