Kulan looga hadlayo amniga oo ka dhacey xarunta madaxtooyada Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Kulan looga hadlayey amniga Puntland gaar ahaan kan magaalooyinka Puntland ayaa maalintii shaley 12 Jun, 2016 ka dhacey xarunta Madaxtooyada Garowe, waxaana shir Gudoomiye ka ahaa Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Shirkaan oo maalin walba oo Axada ka dhaca xarunta madaxtooyada Garowe ayaa kuwii hore ka duwanaa iyadoo sidoo kale ay goob joog ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka Puntland, taliye yaasha ciidamada Daraawiishta, Booliska, hay'adaha Sirdoonka iyo saraakiisha kale ee gobolka.

Wararka warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas warbixino ka dhageystey saraakiisha hogaamisa hay'dahaas islamarkaana lagaga hadley sidii loo adkeyn lahaa amniga magaalooyinka Puntland kuwasoo xaaladooda wanagsaneyn wayadaan.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ku canaantey saraakiisha hay'adahaas in sidii la rabey u qaban howlihii laga rabey xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in kooxaha bartilmaameedsada shacabka Somalida gaar ahaan kuwo Puntland kor u qadeen falalkooda argagixisada.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa kasoo baxey islamarkaana madaxda sare ee Puntland dhagsyteen cabashooyin ku Aadan wada shaqeyn la'aan  u dhaxeysa saraakiisha Amniga halka kuwo kale lagu eedeeyey iney si joogta ah faragalin uga hayaan hab sami u socodka shaqooyinka hay'adaha sharciga.

Gabagabadii kulankaan Madaxweynaha Puntland ayaa wararku sheegayaan inuu amar ku siiyey howl wadeenada hay'daha amniga in howlahooda gutaan islamarkaana dar-dar galiyaan sugida amniga magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Dhowaan ayey aheyd markii muran dhexmarey saraakisha amniga Puntland is rasaaseyn dhexmartey taasoo sababtey in khasare dhimasho iyo dhaawac ah kasoo gaaro mas'uuliyiin uu ugu sareeyo Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab.

Xukuumada Puntland ayaa talaabo sharciga lagu horgeynayo saraakishaan iyo askartiii ilaalada aheyd ee rasaasta furtey aan qaadin marka laga reebo Taliyahii hore ee Ciidamada Booliska xilka laga qaado.

Magaalada Bossaso ayaa sidoo kale wararka warsidaha Garowe Online helayo sheegayaan in uu jiro wada shaqeyn la'aan u dhexeysa gudoomiyaha gobolka iyo Taliyaha qaybta kaasoo weli aan xal loo helin.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM