​Laanta socdalka Puntland oo xarun dhisanaysa magalada Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Xaaji Cumar (Camay), ayaa dhagax dhigay xarun cusub oo loo dhisayo laanta socdaalka Puntland.

Dhaqaalaha ku baxaya dhimahan ayaa waxaa ku deeqday dowladda Norwey iyadoo soo mariysay Hay’adda IOM, waxaana laga dhisayaa dhabarka dambe xarunta wasaradda Caafimaadka Puntland oo aan sidaasi uga sii fogeyn madaxtooyadda.

Munaasabadda lagu dhagax dhigayay dhismahan, ayaa waxaa ka soo qayb galay mas'uuliyiin kasocotay hay'adda IOM iyo wasaaradda Amniga Puntlan doo laanta socdaalka la hoos geeyay.

Wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaradda Amniga  iyo DDR-ta Puntland, oo ka hadlayay dhagax dhigga,ayaa sheegay in dhismaha xaruntan ahmiyad gaar ah u lee dahay, iyagoo u mahad celiyay dowladda ka taageeraysay dhinaca dhaqaalaha.

Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Gerard Waite, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay dhismaha xarunta laanta socdaalka Puntland, isagoo xusay inay qayb ka qaadanayso qaabkii loo heli lahaa dhisme loogu shaqeeya si hufan.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi, ayaa sheegay in xarunta la dhisayo qalabeyn doonto, isagoo shirkadda dhisaysa ugu baaqay inay inay dhismahaasi si wanaagsan oo qurux badan loo dhiso.

Dhismahan ayaa yimi xilli laanta Socdaalka iyo jinsiyadaha Puntland la hoos geeyay wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM