​Lacag Fuustooyin lagu soo qariyay oo Bosaso lagu qabtay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Taliska Ciidamada Kantaroolka magaalada Bosaso ayaa maanta soo bandhigay lacag tiro badan oo Shilling Somali ah kuwaasoo la doonayay in si sharci darro ah loo galiyo xarunta gobolka Bari.

Lacagtan oo lagu soo gariyay baabuur islamarkaana lagusoo riday Fuustooyin la Alxamay iyo Baxo ayaa ciidamo ku qabteen Kantaroolka, waxaana loo soo bandhigay mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiirka Maaliyadda Puntland oo booqasho ku jooga Bosaso.

Taliyaha Ciidamada Koontaroolka Magaalada Boosaaso Maxamuud Qalaf ayaa sheegay in lacagtaan laga keenay gobollada kale ee dalka Soomaaliya islamarkaana la doonayay in qaab tuugo ah loo galiyo magaalada.

Wuxuu xusay inay gacanta kiu hayaan baabuurkii  sida lacagtaan islamarkaana baaritaan ku socdo.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Puntland  oo hada ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa waxa uu gaaray arimo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa kala soo cida lacagta shilinka Soomaaliga ah oo wali ka taagan magaalada Boosaaso  waxa uuna kulan la qaadan doonaan Maamulka Gobalka kan Degmada Boosaaso iyo Ganacsatada Magaalada Boosaaso .

Talisku waxay sheegeen in lacagta ay tahay mid been abuur ah islamarkaana ay ku wareejiyeen wasaaradda maaliyadda Puntland.

Arrintan ayaa timid xilli dhawaan ganacsatadu ay ka cabanayeen lacago sh. Somali ah oo laga soo safriyay gobollada Koonfureed ee dalka Soomaliya kadib markii laga diiday goobahaas amar kasoo baxay Shabaab awgiis.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa shacabka fartay inay qaataan lacagta Shilling Soomaaliga iyadoo aan la kala soocayn, waxaana taasi keentay in lacago badan lagasoo safriyo meelaha laga diiday iyadoo lagu badalanayo Doollar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM