Maalinta Saxaafadda oo Bosaso laga xusay

Image

BOOSAASO, Puntland- Waxaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu qabtay kulan lagu xusayay maalinta Caalamiga ah ee Saxaafaadda Adduunka.

Kulan ay soo qaban qaabiyeen bahda warbaahinta Puntland oo kaashanaya ururrada warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda Wariyaasha iyo sannadkii tagay xaaladihii ay soo mareen.

Qaar kamid ah Wariyaasha Puntland ayaa sheegay inay ku shaqeeyaan xaalad adag marka laga hadlayo dalka Soomaaliya, balse qorshahoodu yahay inay u adeegaan shacabkooda dhibkastoo food-saara.

Waxay u tacsiyeeyeen cid kastoo Waxyeello kasoo gaartay iyagoo mihnadan ugu adeegaya shacabka Soomaaliyeed.

Xubno isugu jiray mas’uuliyiin katirsan dowladda iyo waxgaradka gobolka Bari ayaa hambalyo u diray Wariyaasha Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen inay horay u socdaan.

Dhinaca kale ururka warbaahinta Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo kan Puntland ee MAP, ayaa farxadda maalintan la qaybsaday wariyaasha.

Xoghayaha ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Macalimow oo la hadlayay Radio Garoowe, ayaa sheegay in sannadkii hore la dilay 5 wariye oo labo kamid ah naftooda ku waayay Qaraxyo, waxaa sidoo kale goobo kala duwan lagu xiray 32 wariye.

Macalimow ayaa aaminsan in dhibaataynta Wariyaasha ay ka yartahay sannadihii hore.

Sannad kasta maanta oo kale ayaa loo dabaal dagaa maalinta warbaahinta oo ah maalin caalami ah oo Wariyaashu uga hadlaan xorriyadooda.

Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ugu halista badan ee Wariyaashu ka shaqeeyaan, waxaana sannadkasta dhaca dilal iyo tacadiyo ay la kulmaan wariyaasha Soomaaliyeed.

Inkastoo sannadkan ay ka khatar yaray sannadihii hore, hadana waxaa jiray wariyaal naftooda ku waayay amni darrada ka jirta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM