​Maamulka gobolka Nugal oo tuugo ka cabanaya [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Nugal Qaasim Maxamed Cabdi, ayaa maanta ka hadlay arrimo kala duwan oo ka taagan magaalada Garowe gaar ahaan tuugo faro kulul ku haysa Layrarka lagu xiray waddooyinka waaweyn ee ku yaalla caasumadda Puntland.

Qaasim oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe, ayaa sheegay inay jiraan dad aan lagu tilmaami kari wadaniyiin oo la baxaya Batariga ay ku shaqeeyaan Layararkaasi oo sida uu xusay ah kuwo qaali ah oo la heli karin.

Wuxuu sheegay in la xadey ilaa 10 xabo oo Afartii ugu dambaysa xalay lagala baxey waddooyinka gaar ahaan Jidka Shaariqa.

Guddoomiye ku-xigenka gobolka Nugal, ayaa faray laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Garowe oo mas'uuliyaddaasi iska lahaa inay wax ka qabtaan arrinta ka taagan caasumadda Garowe, wuxuuna sheegay in dadkaasi hadii ruux kamid ah gacanta lagusoo dhigo in kuwo kalena la helayo, isagoo ku baaqay in maxkamad la geeyo.

Wuxuu xusay inay jirto habac sanaan dhinaca maamulka ah, maadama sida uu sheegay horay uga war-hayeen batariyada la xaday.

Layrarkan ayuu sheegay inay yihiin kuwo umaddoo dhan u dhaxeeya islamarkaana mas'uuliyadoodu saarantahay dhammaan shacabka ku dhaqan Garowe, isagoo ugu baaqay ciddii ay ku arkaan inay howshaasi faraha kula jirto in loosoo gudbiyo laamaha amniga.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Garowe oo ku aadan arrinta gobolku ka hadlay.

Layrarkan batariyadood la xaday, ayaa degmada Garowe horay waxa ugu heshay deeq iyagoo qayb laxaad leh ka qaadatey bilicda caasumadda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM