​Maandooriye lagu qabtay magaalada Bosaso [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Laamaha amniga iyo maamulka gobolka Bari ayaa maanta warbaahinta usoo bandhigay Maandooriye lagu qabtay Kantaroolka magaalada Bosaso, kaasoo la sheegay inuu dhibaato weyn ku hayo bulshada iyo nabadgalyada.

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Raggii waday Maandooriyahan oo la sheegay inuu dhanyahay 2 Kiilo iyo shakhsiyaadkii loo waday.

Guddoomiyaha  Bari iyo Taliyaha qaybta Booliiska ayaa goob joog ka ahaa madal lagusoo bandhigay Mukhaadaraadkan.

Taliyaha qeybta Booliska gobalkaas, Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo ka hadlayay howlgalka lagu qabtay Maandooriyaha ayaa sheegay inay dab qabadsiin doonaan islamarkaana raggan lagu qabtay loo gudbin doono maxkamad.

Cabdixakiim ayaa sidoo kale digniin u diray shakhsiyaadka ku howlan ka ganacsiga maandooriya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ciddii lagu qabto ay la kulmi doonto Ciqaab adag.

Ciidamada amniga ayuuu xusay inay si wayn u feejiganyihiin islamarkaana aysan suurto gal noqon karin in si dhuumaalaysi ah magaalada loo soo galiyo Mukhaadaraad.

Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Bari, Yusuf Maxamed Wacays ( Dhedo ), ayaa sheegay in abaalmarin lasiin doono ciidamadii gacanta ku dhigay waxyaabahan oo uu sheegay inay halis ku yihiin hormarka dalka, caafimaadka bulshada iyo nabadgalyada.

Dhedo ayaa ciidamada ugu baaqay inay sii wadaan dedaalkooda ku aadan adkaynta amniga isagoo xusay inay mar walba ka war hayn doonaan ciidamada amniga oo uu tilmaamay inay hayaan shaqo weyn.

Maaha markii ugu horaysay Mukhaadaraad lagu qabto magaalada Bosaso, balse waxay kusoo aaday xilli isticmaalka Maandooriyuhu uu aad ugu soo badanayo gobollada Puntland, kuwaasoo si dhuumaalaysi ah loo soo galiyo magaalooyinka waaweyn.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM