Madaxweynaha cusub ee Puntland oo soo saarey amarkii ugu horeeyay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha cusub ee Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni, oo soo saarey amarkii ugu horeeyay kaasoo uu ku joojiyay in lacago lagala baxo Akoonada ay dowladda ku leedahaya Bangiga Puntland iyo Xawaaladaha gaarka.

"Sidaasi owgeeda, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay, 8-da Janaayo 2019, waxaa la idinku adkeynayaa inaad fulisaa amarkaasi," ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxay xafiiska Madaxwayne Saciid Deni.

Amarkan ayaa soo baxay saacad kadib markii Deni uu kuu guuleystay doorashadda xilka Madaxweynaha oo maanta ka dhacay xarunta Gollaha Wakiiladda Puntland.

Deni oo ah dhaqaalyahan, si dhaw ula socda duruufaha Puntland ayaa tallaaban ku doonaya inuu uga hortago boob hantida dadweynaha, maadaama uu isbedel dhacay, oo wali talada wareejin maamulkii Cabdiweli Gaas.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA DENI:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM