​Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Midowga Yurub oo kulmay

Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland iyo Wakiilka Midowga Yurub ayaa maanta kuwada kulmay magaalo madaxda Garowe, waxayna ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay hannaanka doorashada Somalia, soo xulista xubnaha labada Aqal ee Barlamanka iyo mashruuca lagu dhisayo wadada isku xirta Garowe iyo Galkacyo.

Kulanka oo saxaafaddu kajoogtay, ayaa waxa qayb ka ahaa wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee Puntland iyo Agaasimaha Madaxtooyada.

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali oo kulanka kadib hadlay ayaa sheegay inay kawada xaajoodeen Ergayga Midowga Yurub ee Somalia Michel Carvone, isbadalka la filayo inay ka dhacdo Somalia dabayaaqada sannadkan, isagoo xusay inay isla soo qaadeen qaabkii loo sii wadi lahaa mashaariicda EU-du ka fuliso deegaanada Puntland.

Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia Michel Carvone, oo sheegay inay garab taagnaayeen Puntland ilaa 1998 ayaa ku dheeraaday sida ay uga go'antahay in la fuliyo hishiisyadii la galay ee ku aadanaa doorashada Somalia.

Wuxuu xusay in madaxweyne Gaas isla soo qaadeen arrimaha labada Aqal ee Baralmanka kaasoo tilmaamay inay socdaan wadatashiyadii ku aadan soo xulistooda.

Cervone, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sidii Somalia doorasho uga dhici lahayd islamarkaana looga fogaan lahaa waxyaaba keeni kara dib u dhaca.

Dhinaca kale Wakiilka ayaa kulamo kale ku qaaday magaalada Garowe kuwaasoo uga hadlayay doorashada Somalia.

Midowga Yurub ayaa horay walaac uga muujiyay muddo kordhinta kale ee lagu sameeyay Waqtiga doorashada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM