Madaxweynaha Puntland oo 5 bilood kadib fariistey xafiiska uu ku leeyahay madaxtooyada Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo dib ugu soo noqdey Puntland dhowaan kadib markii uu booqasho ku tagey dalka Imaraadka Carabta ayaa sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay xafiiska uu ku leeyahay xarunta madaxtooyada Garowe 5 bilood kadib fariistey maanta 11/06/2016.

Warsidaha ayaa fahansan in sababta keentey in madaxaweyne Gaas u fariisan waayo xafiiska loogu talagaley howl maalmeedka madaxa u sareeya Puntland tahay madama safarada uu kaga baxo Puntland yihiin kuwo joogta ah.

Madaxweyne Gaas ayaa wararku sheegayaan in marka uu ku sugan yahay xarumaha madaxtooyada Garowe iyo Bossaso Howl maalmeedkiisa ku qabta Barsada aqalka degaanka ee loogu talagaley madaxa u sareeya Puntland.

Madaxtooyada Garowe iyo Bossaso xarumahooda madaxtooyada ayaa waxaa ku yaal xafiisyada loogu talagaley Madaxweynaha balse wararka ayaa xusaya inuusan mud. Candiweli Gaas fariisan marka uu ku sugan yahay Puntland.

Wasiirada dowlada iyo howl wadeenada kale ayaa dhibaato xoogan waxay ka haysataa Madaxweyne Gaas oo aan si joogta ah u fariisan xafiiskiisa taasoo khasabta iney kula kulamaan aqalka loogu talagaley qoyska madaxa u sareeya Puntland kaasoo ku dhex yaala xarunta madaxtooyada Garowe.

Dhowaan ayey aheyd markii warsidaha Garowe Online shaaca ka qaadey safarada Madaxweynaha Puntland ee tirada badan waxyeelo u gaysteen howlihii madaxa u sareeya Puntland u qaban lahaa shacabkii doortey.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM