​Madaxweynaha Puntland oo Baydhabo aaday

Image

GAROWE- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta u dhoofay magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, isagoo ka qayb galaya shirka ugu dambeeya madasha wadatashiga Qaran ee ka dhacaya xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Gaas, ayaa qayb ka ah madaxda maanta tagaysa magaalada Baydhabo, waxaana kasii horeeyay Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo wasiirro katirsan dowaladda Federalka.

Shirkan oo socon doona saddex maalin, ayaa diiradda lagu saari doonaa in lagu dhammaystiro arrimaha farsamo ee ka dhiman doorashada dalka ka dhacaysa sannadka 2016.

Madaxda dowladda Federalka iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland, ayaa iyaguna ku wajahan magaalada Baydhabo.

Ammaanka magalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana goobaha muhiimka ah la wareegey ciidanka Amisom ee Itoobiya ka socda kuwaasoo baaritaano kala duwan bilaabay.

Madaxwaynaha mamulka Koonfur galbeed oo shirkan marti galiyay ayaa sheegay inuu furmayo shirka isla maanta, waxaana magalada ku wajahan wafdiyo kala duwan oo ka imaanaya Kismaayo,Muqdisho,Galmudug iyo Puntland.

Kulankan, ayaa noqon doona mid arrimo adag looga hadlo kuwaasi oo qabyo ka ahaa shirkii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM