​Madaxweynaha Puntland oo Bosaso ka dagay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Wafdi uu hogaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Bosaso kadib safar dhowr asbuuc qaatay oo uu ku tagay waddamada Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Mas’uuliyiin katirsan golayaasha dowladda, maamulka gobolka iyo kuwa degmada Bosaso ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Bandarqaasim, waxaana hadal kooban uu warbaahinta siiyay Madaxweyne Gaas ku sheegay inuu ku faraxsanyahay soo laabashadiisa waddanka oo nabad ah.

Cabdiwali Maxamed Cali,  ayaa tilmaamay inuu soo guday waajibaadkii xajka islamarkaana uu kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin katirsan madaxda waddamada uu tagay.

“Muddo sadex isbuuc ka badan waxaan jirney dalka Sucuudiga Arabia iyo dalka Imaaraadka oo aanu soosocod-kayagii soo marnay, dalka Sacuudi Arabia waxaanu u tagnay waxay ahayd gudashadii waajibaadka Xajka, si fiican bayna runtii noogu soo dhammaatay dalka iyo dadkana waan usoo ducaynay, Illahayna waxaan ka rajaynaynaa inuu anagana naga aqbalo gudashada Xajka, wixii duco ah ee aanu usoo niri dalka iyo dadkaba iyana waxaan rajaynaynaa in Alle naga aqbalo,” Ayuu yiri Madaxweyna dawladda Puntland.

Isagoo ka hadlayay safarkiisii Imaaraadka, Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in socdaalkaas uu la xariiray hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha isagoo carrabka ku dhuftay inuu ugu soo dhammaaday si guul ah.

Shacabka iyo dowladda Puntland ayuu ugu baaqay inay adkeeyaan amniga iyo kala dambaynta isagoo ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Cabdiwali Cali Gaas ayaa la filayaa in muddo todobaad ku dhow uu joogo magaalada Bosaso iyagoo ka shaqayn doono arrimo la xariira mashruuca ballaarinta Dekadda Bosaso.

Warar ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas sidoo kale xal ka gaari doono mudada uu joogo Bosaso cabashooyin ka imaanayay dadka deegaanka gaar ahaan kuwo kasoo horjeeda in la dumiyo dhismayaal ka agdhow dekadda Bosaso.

Sidoo kale Cabdiwali Cali Gaas ayaa la filayaa inuu la kulmo waxgaradka gobolka iyo bulshada rayidka ah isagoo kala hadli doono waxyaabo la xariira hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM