​Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay shirkii Muqdishu [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe, wuxuuna ka waramay shirkii madasha wadatashiga Qaran ee Muqdishu lagusoo afmeeray iyo waxyaabaha looga hadlayay.

Gaas, wuxuu sheegay in kulankii madasha diiradda lagu saaray, Qoondada haweenka, Aqalka Sare, kharashaadka ku baxaya doorashada iyo sugitaanka amniga, wuxuuna xusay in dhammaantooda la isku afgartay.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxuu xusay in ujeedka ugu weyn ee shirku ahaa sidii loo hirgelin lahaa qodobadii lagu heshiiyey ee dhabbaha loogu xaarayay doorasho dadka Somalia ku qanacsanyihiin oo dalka ka dhacda dabayaaqada sannadka 2016.

Wuxuu soo hadal qaaday cabashooyin ka imaanayay xubno kasoo jeeda deegaanada Somaliland kuwaasoo sheegay in Puntland ka koobantahay 2 gobol iyo bar sidaas awgeed la siiyay xubno dheeraad ah aqalka sare.

Gaas ayaa dadkaas ku tilmaamay kuwo aan ka hadli karin masiirka Puntland, wuxuuna ku sifeeyay shakhsiyaad aan haysan sumac cad, balse hadba shaati gooni ah gashanaya.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa oo kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Canoco, ayaa waxaa soo dhoweeyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Wasiirro, Xildhibaano, maamulka Gobol Nugaal, kan degmada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Wuxuuna imaanshihiisa Garowe kusoo beegmay xilli muddooyinkii dambe madaxda ugu sarray dowladda ay ka maqnaayeen xarunta looga arrimo Puntland ee Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM