​Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Sucuudiga

Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta safar ku tagay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, kadib socdaal uu kagasoo amba baxay magaalo madaxda Garowe.

Gaas oo ay wehelinayaa xubno katirsan Madaxtooyada ayaa maanta la filayaa inuu u dhoofo waddanka Sucuudiga isagoo soo gudan doona Waajibaadka Xajka, sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Madaxtooyada.

Socdaalkan ayaa kusoo aaday xilli Shalay War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland lagu taageeray xulafada uu hogaaminayo Sucuudiga, kadib markii dowladda Federaalka Somalia aya qaadatey go’aan dhex-dhexaad ah.

Puntland ayaa qoraalkaas ku ammaantay dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka, waxayna uga mahadcelisay mashaariicda hormarineed iyo taageerada amani ee ay ka wado dalka.

Waxay sidoo kale dowladda Somalia ugu baaqday inay dib u eegto doorkii ay qaataday iyadoo Puntland ay ka digtay in arrintaas horseedo kala qoqobnaan iyo in si khaldan bulshadu wax u fahamto.

Dhinaca kale safarka Madaxweyne Gaas ayaa kusoo aaday xilli Xujaydu ka cabanayaan lacago dheeraad ah oo lagusoo rogay dadka gudanayaa Ruknigaas diinigi ah.

Xukuumadda kama hadlin cabashada iyo lacagaha dheeraadka ah ee dusha looga tuuray dadka Aadaya Xajka.

Madaxweyne Gaas ayaa safarkiisa Sucuudiga kusoo aaday xilli sannad iyo bar ay ka hartay muddo xileedka xukuumadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM