Madaxweynaha Puntland oo kulamo kula qaatey Galkacayo odayaasha beelaha

Image

Madaxweynaha Puntland oo ku sugan magalaada Galkacayo ayaa kulamo  la qaatey qaar ka tirsan  odayaasha beelaha ku dhaqan xarunta gobolka Mudug.

GALKACAYO- Kulan Madaxweynaha Puntland iyo odayaasha beesha Reer Mahad Cumar Maxamud xaley ku dhexmarey magaalada Galkacayo ayaa wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya sheegayaan in is-afgarad laga gaarey.

"Madaxweynaha Puntland waxaa uu garowshiiyo ka baxshey inuusan kala dirista golaha Degaanka Galkacayo kala tashan odayaasha beesha"  sidaas waxaa GO u sheegey xogogaal u dhuundaloola kulamadaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa xogtaani  waxaa ay sheegeysaa inuu ka codsadey odayaasha in xubanaha golaha deeganka kaga jira soo maga-cowdaan uguna heeliyaan isaga oo dhinaciisa balan qaadey in ka shaqeyn doono sidii doorashada ugu soo bixi lahaa Gudoomiye degmo ka soo jeeda beeshaas. 

Dhowaan ayey aheyd markii maaxweynaha Puntland kala direy golaha Degaanka Degmada Galkacayo taasoo ka hor-yimaadeen qaar ka tirsan beelaha gobolka Mudug.

Golayaasha Degaanka Puntiand ayaa ku saleysan hab qaybsiga beelaha wada dega mandiqadaan iyada doorka dowlada yahay mid ay sahelyso dhismihiisa. 

Golaha Degaanka Galkacayo ayaa ka kooban 27 xubnood [ Qabaa'ilka gobolka Mudug] kuwasoo gudoomiyaha Degmada ku  doorta cod ay u qaadaan. 

Barnaamijka lagu hirgalin lahaa doorashada   tooska ah ee golayaasha Degaanka Puntland iyo Xildhibanada Barlamanka ayaa sanadka 2013 waxaa ka horyimid siyaasiyiin uu kamid yahay maaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM