Madaxweyne Deni oo magacaabay Maareeye garoon diyaaradeed

Image

BOOSAASO, Puntland - Maaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Axmed Siciid Yuusuf wuxuu u magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, sidda lagu sheegtay digreeto.

Hoos ka akhriso wareetada

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Ee Boosaaso.

Boosaaso: 18 January 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.13 January 16, 2020, ku magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Axmed Siciid Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM