Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Boosaaso [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, halkaasoo soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyay.

Madaxweynaha ayaa ka hor inta husan garin Boosaaso wuxuu sii maray tuulooyinka iyo degmooyinka ku yaalla inta u dhaxaysa Qardho iyo Boosaaso.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalkiisan ugu magac daray safarkii Nabadda ee dalka ayaa waxa ku wehelinaya, Madaxweynaha Puntland, mas'uuliyiin kamid ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

Madaxweynuhu wuxuu kusii hakaday degmada Waaciya, halkaasoo uu kula hadlay saraakiisha Booliiska iyo dadweynaha ku wool magaaladaas, isagoo u jeediyay khudbad uu diiradda ku saaray ka shaqaynta nabadda iyo hormarka Soomaaliya.

Wafdigan ayaa ugu dambayn gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasoo lagu wado inuu ku joogo booqasho qaadan doonta saddex cisho, isagoo lagu wado inuu la kulmo qaybaha kala duvan ee bulshada.

Farmaajo oo goob fagaare ah kula hadlayay boqolaal dadweyne ah oo soo dhaweyntiisa ka qayb qaadanayay ayaa yiri, "Walaalayaal soo dhaweyntiinna diirran waxa ay ka tarjumeysaa in aad tihiin dad dowladdooda jecel, anagana waxaa nagu ballan ah in aan idiin adegno. Idinkana waxaan idinka codsaneynaa in aad taagerdiina sii waddaan oo aad garab istaagtaan dowladdiina.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wada tashi ah la qaadanaayey masuuliyiinta iyo odayaasha deegannada uu socdaalka ku maray ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay si dhow ugala shaqeynayso Dowlad Goboleedka Puntland daadejinta adeegyada bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qorsheysay deegannadaas.

“In badan oo ka mid ah masuuliyiinta ka soo jeeda deegannadan waxa ay markasta nagala hadlaan sidii adeegyada dowladda ee heer Federaal loogu dhammeystiri lahaa. Anaga oo kaa shaneyna Dowlad Goboleedka Puntland waxaan ka shaqeynaynaa arrinkaas.”

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in socdaalkoodan ay ku soo gaba-gabeeyaan magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay uga sii gudbi doonaan gobollada dhexe ee dalka sida qorshuhu yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM