​Madaxweyne Gaas oo Baaq ka diray abaarta ka jirta Puntland [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta ka hadlay abaar xoog leh oo kajirta deegaanada Puntland, taasoo la sheegay inay marayso heerkii ugu adkaa, waxaana muddooyinkii dambe isa soo tarayay qaylo dhaan ka imaanaysa dadka ku dhaqana Miyiga.

Gaas oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe, ayaa sheegay in Puntland ka jirto xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto, wuxuuna dhambaal qaylo dhaan ah u diray Shacabka iyo Beesha Caalamka oo ka codsaday in loo istaago sidii loo bad-baadin lahaa nolasha dadka dhibaataysan.

Madaxweynaha ayaa xusay inaysan wanaagsanayn saadaasha ku aadan Xilli Roobaadka Dayrta, balse wuxuu lagaama maarmaan ku tilmaamay in la istaakuleeyo oo dadka iyo dowladdu iskaashadaan.

Cabdiwali Cali Gaas, ayaa tilmaamay in Shalay deegaanada Puntland laga sameeyay Roob Doon caam ah, isagoo xusay inaysan ka quusan Raxmadda ALLE oo ay had iyo jeer sugayaan inuu ka dul qaado dhibka haysta.

Baaqan ayaa yimid xilli maanta uu xarunta madaxtooyada kula kulmay hay'adaha caalamiga ah ee ka howl gala deegaanada Puntland, wuxuuna kala hadlay sidii looga qayb qaadan lahaa gurmad loo sameeyo dadka la dhibaatoonaya Jiilaalka waqtiga dheer haystay.

Xaaladda Abaareed ee ka jirta Puntland, ayaa sare u kacday bishii ugu dambaysa, waxaana la sheegay in dad ugu geeriyoodeen nawaaxiga degmada Eyl ee gobolka Nugal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM