​Madaxweyne Gaas oo Baaq ka diray abaarta ka jirta Puntland [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta ka hadlay abaar xoog leh oo kajirta deegaanada Puntland, taasoo la sheegay inay marayso heerkii ugu adkaa, waxaana muddooyinkii dambe isa soo tarayay qaylo dhaan ka imaanaysa dadka ku dhaqana Miyiga.

Gaas oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe, ayaa sheegay in Puntland ka jirto xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto, wuxuuna dhambaal qaylo dhaan ah u diray Shacabka iyo Beesha Caalamka oo ka codsaday in loo istaago sidii loo bad-baadin lahaa nolasha dadka dhibaataysan.

Madaxweynaha ayaa xusay inaysan wanaagsanayn saadaasha ku aadan Xilli Roobaadka Dayrta, balse wuxuu lagaama maarmaan ku tilmaamay in la istaakuleeyo oo dadka iyo dowladdu iskaashadaan.

Cabdiwali Cali Gaas, ayaa tilmaamay in Shalay deegaanada Puntland laga sameeyay Roob Doon caam ah, isagoo xusay inaysan ka quusan Raxmadda ALLE oo ay had iyo jeer sugayaan inuu ka dul qaado dhibka haysta.

Baaqan ayaa yimid xilli maanta uu xarunta madaxtooyada kula kulmay hay'adaha caalamiga ah ee ka howl gala deegaanada Puntland, wuxuuna kala hadlay sidii looga qayb qaadan lahaa gurmad loo sameeyo dadka la dhibaatoonaya Jiilaalka waqtiga dheer haystay.

Xaaladda Abaareed ee ka jirta Puntland, ayaa sare u kacday bishii ugu dambaysa, waxaana la sheegay in dad ugu geeriyoodeen nawaaxiga degmada Eyl ee gobolka Nugal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM