Madaxweyne Gaas oo booqanaya xerada ciidamada Badda Puntland

Image

BOOSAASO-  Kadib markii maalintii shalay soo baxeen warar been abuur ah oo sheegaya  in dowlada Imaraadka Carabta tageerada kala noqotey ciidamada Badda Puntland ayaa wararka Garowe Online soo gaaraya sheegayaan in maanta saldhiga ciidamadaan ku leeyihiin magaalada Boosaaso uu booqanayo Madaxweyne Gaas.

Wararka Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in saldhiga ciidamadaan uu ka socdo diyaargarow loogu jiro soo dhoweynta Madaxweynaha Puntland iyadoo la filayo in halkaas saxaafada kula hadlo.

Madaxweyne Gaas ayaa la filayaa inuu u xaqiijiyo shacabka iyo ciidamada Badda Puntland in tageerada dowlada Imaraadka siiso ciidamadaan sii soconeyso iyadoo dadku degan maamulkaan abaal gaar ah u hayaan wadankaan ay walaalaha yihiin.

Xiriirka dowlada Federaalka iyo Imaraadka u dhexeeya ayaa gaarey heerkii ugu hooseeyey kadib markii mowqifkii dhexdhexadaka ay ka qaadatey Soomaaliya khilaafka Khaliijka ay saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya kuwasoo  wada shaqeyn dhow la leh Doha u badaleen in lagula dagaalamo Abu Dhabi.

 GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM