​Madaxweyne Gaas oo Ethiopia u dhoofaya

Image

GAROWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed ayaa maanta lagu wadaa inuu u dhoofo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Safarkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaan la ogayn wuxuu salka ku hayo, balse warar laga helay saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya inuu kulamo kala duwan la qaadan doono madax waddankaasi iyagoo kawada hadli doono xaaladda Somalia is kaashi laga sameeyo dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Gaas ayaa lagu wadaa inuu goordhow warbaahinta kula hadlo garoonka diyaaradaha Canoco halkaasoo ku suganyihiin xubno katirsan golayaasha dowladda, maamulka gobolka, degmada iyo xubno katirsan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Socdaalka Gaas ayaa imaanayo dhawr maalin kadib markii uu kasoo laabtay shirkii madasha  ee lagusoo gaba gabeeyay magaalada Muqdishu kaasoo looga hadlayay arrimo khuseeeya doorashada waddanka.

Dhawr jeer oo hore ayaa madaxweyne Gaas safarro kala duwan uga baxay dalka Ethiopia, wuxuuna kusoo aaday xilli madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uu todobaadkii hore tagay magaalada Jig jiga ee xarunta ismaamulka Somalida Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM