​Madaxweyne Gaas oo Galkacyo soo gaaray [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa soo gaaray magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug kadib safaro muddo qaatay oo ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, taliyaha ciidamada Boliiska, maamulka gobolka Mudug iyo saraakiil katirsan madaxtooyada ayaa kusoo dhaweeyay gaaroonka diyaaradaha magaalada Galkacyo halkaasoo uga gudbay xarunta uu ka taganyahay.

Shir jaraa'id oo warbaahinta ugu qabtay Galkacyo ayuu madaxweyne Gaas uga hadlay arrimo kala duwan, wuxuuna sheegay in safarkiisii uu kusoo maray dalalka Turkiga, Ethiopia iyo Jabuuti uu kusoo dhammaaday Guul isagoo xusay inay kala soo hadleen arrimo ku aadan hormarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna xusay in dhawaan wafdi kasocda Jabuti dhawaan imaan doonaan Puntland.

Qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Galkacyo ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay inuu ahaa mid ay filayeen maadama sida uu hadalka u dhigay jab xooggan gaarsiiyeen dagaalladii ka dhacay gobollada Mudug iyo Nugal.

Wuxuu sheegay inaysan waxba u dhimi doonin hormarka ka jira Puntland isagoo xusay in sharwadayaasha Al Shabaab looga bartay dhibaataynta shacabka.

Imaanshaha madaxweyne Gaas ee Galkacyo ayaa yimid xilli qaraxyo xooggan lagu dhibaateeyay dada shacab ah islamarkaana waxyeello kasoo gaartay goobo ganacsi kuwa caafimaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM