Madaxweyne Gaas oo hambalyo diray [Dhagayso]

Image

GAROWE- Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26-Jun-2016 diray hambalyo ku aadan 56-sano guuradii kasoo wareegtey markii gobollada Woqooyi ee dalka Soomaaliya xorriyaddooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Gaas ayaa shir jaraa'id oo ku qabtay madaxtooyada Puntland ee Garowe, wuxuu xusay in 56-sano ka hor ahayd maalintii ugu horraysey ee ciidda Soomaaliyeed laga taago calanka waddanka oo xor ah.

“Waxaan maanta halkaan hambalyo uga diyarayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waxaana ugu hambalyaynayaa 26-Jun-1960 oo ah maalintii ugu horraysey ee calan Soomaaliyeed la taagey, waa maalin farxad leh, waana maalintii ay ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Woqooyi ee dalka ay ka xorowdey gumeystihiin Ingiriiska...Maalintani waa maalin qiime weyn inoogu fadhida dhammaanteen haddaan Soomaali nahay,waana bilawgii dawladnimo Soomaaliyeed oo dhab ah,” Ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ALLE uga baryay inuu usoo heliyo dowladnimadii iyo karaamadii ay kulaayeen caalamka.

Hambalyo taa lamid uyuu hawada u mariyey dalka Jabuuti oo iyaguna berri 27-Jun-1960 u dabaal dagaya maalintii ay xorriyaddooda ka qaateen  Gumeystihii Faransiiska, isagoo ALLE uga baryey in uu sannadka sannadkiisa barwaaqo iyo horumar ku gaadhsiiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM