Madaxweyne Gaas oo ka qayb galaya shirka Tana Forum

Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Gaas ayaa maanta ka dhoofay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug isagoo uu weheliyo wasiirka Ganacsiga.

Gaas oo u dhoofay dalka Ethiopia ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada inuu ka qayb galayo shir ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Shirkani Tana Forum ee u dhexeeya madaxda Qaarada Africa ayaa waxaa looga hadli doonaa xiriirka waddamada Qaarada Africa, siyaasada, ammaanka iyo wixii ka hirgalay qodobadii laga soo saaray kulankii hore.

Kulankan oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa sannadkiiba mar lagu qabtaa magaalada Bahar Dahar ee dalka Ethiopia.

Hada ka hor Madaxweynaha Puntland, ayaa shirkaas ka qayb galay, wuxuuna kajeediyay khudbad uu uga hadlay xaaladda Somalia gaar ahaan maamulkiisa.

War-saxaafadeed Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Gaas kulankaas uu la tagi doono ajandayaal uu ku jiro isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka Somalia iyo xaaladda hadda ka jirta deegaanada Puntland.

Xubno katirsan dowladda ayaa kusii sagootisay Madaxweynaha garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf, wuxuuna baxay isagoo warbaahinta faah faahin ka siin socdaalkiisa.

Lama oga ujeedka looga qariyay warbaahinta, balse safarkiisa ayaa yimid labo maalin kadib markii uu kasoo laabtay caasumadda Somalia ee Muqdishu.

Kahor intuusan Xamar Aadin Madaxweynaha Puntland, ayaa kayimid magaalada Addisa oo soo maray isagoo kasoo laabtay booqasho uu horaantii bishan ku tagay Imaaraadka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM