Madaxweyne Gaas oo kala diray Golihii Deegaanka Garoowe

Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland ayaa wareegto uu soo saaray caawa 05 April, 2018 ku kala diray Golihii deegaanka degmada Garoowe, xilli uu maalmahan jiray khilaafaad u dhaxeeyay xubnahan oo ka kooban 27 Xildhibaan.

Kala dirista Golaha deegaanka ayaa Madaxweynuhu u cuskaday qodobo ay kamid ahaayeen; inay kasoo bixi waayeen shaqadii loo igmada islamarkaana ka bixi waayeen is-qab qabsi dhexdooda ah.
 
Guddoomiye Xasan Goodir ayaa ku sugnaa waqtiga xilka laga qaadayay goob dab ka kacay gudaha magaalada Garoowe.
 
Sidoo kale Wareegto kale oo kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, ayaa lagu sheegay in si KMG ah Guddoomiye iyo ku xigeen loogu magacaabay Caasimadda Garoowe inta laga helayo gole rasmi ah sida ku cad qoraalka hoose;
 
Markuu tixgaliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada Garoowe.
Marku Qiimeeyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga.
 
1. Waxaa Axmed Maxamuud Ducaale si ku meel gaara loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Garoowe.
 
2.Waxaa Cusmaan Maxamed Siciid si ku meel gaar ah loogu magacaabay ku - Xigeenka Guddoomiyaha Degmada Garoowe.
 
Arrintan ayaa timid xilli maanta war-saxaafadeed uu qabtay Guddoomiyah degmada Garoowe iyo qaar kamid ah Xildhibaanadii Mooshinka keenay ay sheegeen inay ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyay.
 
Waa markii 2aad Madaxweyne Gaas kala diro golaha deegaanka Degmada Garoowe mudadii uu hayay talada Puntland.
 
Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli dhawaan sidaan oo kale uu Madaxweynuhu u kala diray golihii deegaanka Boosaaso, kuwaasoo uu ku eedeeyay is-qab qabsi iyo xil gudasho la'aan.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM