​Madaxweyne Gaas oo loogu baaqay inuu Is-casilo, si loo daba-qabto Puntland [Dhageyso]

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Calii Gaas, ayaa lagu eedeeyay inuu ku fashilmay dhamaan Howlihii loo igmaday, una dhaartey, sida Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Cadaaladda.

Cuqaasha, Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Obokor Ciise, oo Shir mudo labo Todobaad uga socday magaalada Garoowe ayaa aad u dhaliilay Maamulka uu majaraha u hayo Madaxweyne Gaas.

"Madaxweyne Gaas wuxuu lumiyay Kalsoonidii shacabka, kadib markii uu hareermaray hanaanka awood-qeybisga iyo heshiishii ay ku midoobeen beelaha, ee lagu dhisay Puntland," ayaa lagu yiri war kasoo baxay Beesha.

Gaasi ayaa lagu eedeeyay inuu sameeyay Musuq-maasuqii ugu ballaarnaa, oo aan horey usoo marin Puntland, kadib markii maamulkiisa uu daabacay lacago been abuur ah, oo saameeyay nolosha Shacabka, islamarkaana sababay Sacir barar xooggan guud ahaan Deegaanada Puntland.

Odayaasha ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ku guuldareestay, Bixin la'aanta Mushaarka Ciidamada difaaca iyo Shaqaalaha dowladda, is-hor-taagista dhisamaha Maxkamadda Dastuuriga ahayd, fashil amni oo ka jira Badda iyo Bariga iyo luminta Soohdimaha Puntland, iyadoo ay faraha ka baxeen gobollo badan.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa loogu baaqay inuu xilka iska-casilo, maadaama uu ku fashilmay hogaanka, waxaana laga codsaday Isimada iyo waxgaradka inay wax ka qabtaan khataraha kusoo food-leh Puntland iyo Xaaladda cakiran ee ka taagan xilligan.

Hoos ka akhriso Magacyada Saxiixiyaasha Bayaanka, kana daawo, isagoo cod ahna qeybta kore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM