Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Garowe kusoo laabtay

Image

GAROWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi xaaji Cumar Camey ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Madaxda Garowe kadib socdaal qaatay ku dhawaad 10 cisho uu ku joogay gobolka Mudug.

Camey ayaa Galkacyo u tagay sidii heshiis looga gaari lahaa xiisado ka dhacay deegaano kutirsan gobolkaas iyo nabadaynta guud ee Mudug, waxaana uu kulamo la qaatay dhigiisa Galmudug iyo waxgaradka labada dhinac.

Camey oo xilli hore saaka kasoo safrtay Galkacyo ayaa galinkii hore ee isla maanta soo gaaray magaalada Garowe isagoo aan faah faahin ka bixin natiijada socdaalkiisii.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa booqashadiisii ugu danbeysay shalay ku tagay deegaanada Godad iyo Gacma-fale halkaas oo kulan uu kula qaatay Waxgaradka iyo Saraakiisha Amniga ee gobolka Mudug isagoo kala hadlayay arrimo ay ku jirto sidii nabadda loo xoojin lahaa.

“Nabad ayaan saaka kusoo galnay Garowe, waxaana maalmihii u dambeeyay runtii qabanay shaqo adag iyo sidii gobolka Mudug looga dhigi lahaa mid xasiloon, waxaana soo aragnay dad nabadda jecel oo xaqiiqdii ay ka go’antahay hirgalinta heshiisyada iyo sidii xasilooni loogu noolaan lahaa gobolka Mudug,” Sidaas waxaa Garowe Online u sheegay Sarkaal katirsan Madaxtooyada Puntland, isagoo intaas ku daray “Dadaaladii aan samaynay runtii waa guulaysteen, waxaana rajaynaynaa inaan halkaas kasii wadno.”

Maaha markii ugu horaysay wada-hadal u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland uu ka dhaco magaalada Galkacyo, balse kan ayaa kusoo beegmay xilli labada Madaxweyne ay ka  maqnaayeen shirarkii looga hadlayay amniga Gobolka Mudug.

Dhawaan ayaa shirarkii Galkacyo lagasoo saaray 10 qodob oo la sheegay in labada dhinac ku heshiiyeen, waxaana ku jira in la furo waddooyinka xiran ee magaalada Galkacyo, kuwasoo wali aan la hirgalin.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM