​Madaxweyne Puntland oo kulan la qaatay xubno kasocda warbaahinta madaxa bannaan

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xarunta madaxtooyada magaalada Garowe ku qaabilay hogaanka ururka MAP iyo mas'uuliyiinta warbaahinta qaybtood iyagoo kawada hadlay arrimo ku xeeran dhinaca Saxaafadda.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha haysta warbaahinta gaar ahaan kuwii soo if-baxay mudadii uu madaxweynaha Puntland ka ahaa Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyadoo si gooni ah loo xusay hanjabaaddii wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade, xeerkii warbaahinta ee Barlamanku ansixiyay iyo qodobo kale.

Xubnaha warbaahinta kasocday ayaa si faah faahsan madaxweyne Gaas ugu gudbiyay xad-gudubyada loo gaysto gaar ahaan waxay xuseen hanjabaaddii wasiir Soocade uu sheegay inuu layn doono saxafiyiinta isagoo adeegsanaya Qori.

Gaas ayaa u sheegay mas'uuliyiinta uu la kulmay in saxaafaddu xortahay islamarkaana wax ka qaban doono arrinta wasiirka warfaafinta isagoo sheegay inuu ka qaadi doono tallaabada ku haboon.

Arrinta xeerka warbaahinta ayaa la isla soo qaaday waxaana Cabdiwali Maxamed Cali uu howshaasi u xilsaaray guddi maadaama cabashooyin xooggan ka jirto qodobo kamid ah xeerka warbaahinta kaasoo ay meelmariyeen Barlamanka Puntland.

Kulankan ayaa imaanaya xilli uusan wanaagsanayn xiriirka ka dhaxeeya warbaahinta iyo xukuumadda Puntland taasoo sii xumaatay markii wasiirka warfaafinta uu si cad u sheegay inuu layn doono isagoo tilmaamay inuusan tixgalin doonin  sharciga waddanka u yaalla.

Culayska saxaafadda kaga imaanaya dhinaca xukuumadda ayaa salka ku haya cillado fulin la'aan dhinaca dowladda ka jirta.

Waa markii ugu horraysay madaxweyne Gaas la kulmo saxafiyiinta tan iyo markii wasiirka warfaafinta Puntland ka hanjabay warbaahinta gudaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM