Madaxwynaha Puntland oo kormeer ku marey xarumaha wasaaradaha Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo noqdey magalaada Garowe 15 Sept, 2016 ayaa maanta kormeer ku soo marey xarumaha wasaardaha Dowlada ee magaalo madaxda Garowe halkaasoo kula kulmey mas'uuliyiinta xafiisyadaas.

Kormeerka Madaxweyne Gaas ayaa sida lagu qorey Boggs FB ee ku hadla afka xafiiska madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegey inuu salka ku hayey u kuur galka habsami u socodka shaqooyinka ka socda xarumahaasi iyo qaabka ay bulshada ugu adeegayaan masuuliyiinta kala duwan ee ka hawl gala xarumahaasi, kuwaas oo loo igmaday in ay si daacad ah ugu adeegaan dadka iyo dalka.

Wasaaradihii uu saaka Madaxweynuhu kormeerkiisa ku kala bixiyey ayaa waxaa ka mid ahaa Wasaaradda Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah, Wasaaradda Beeraha iyo waraabka, Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha, Wasaaradda Aminga iyo DDR, Wasaaradda Maaliyadda, Hanti dhawrka guud, Hay'adda Qandaraasyada Puntland iyo xarunta guriga Gobolka Nugaal oo uu ka socdey.

Booqashada madaxwynaha Puntland ee wasaradahaan ayaa ku soo beegmeysa xilli habacsanan ba'an ka jirto shaqada wasaardaha Dowlada iyadoo sababtu tahay mushahar la'aan iyo madaxda Dowlada oo aan muddo kor u dhaafeysa sanad aan fariisan xafiisyadooda.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM