Madaxweynaha Puntland oo magacaabey Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Puntland

Image

GAROWE- Maaxwyenaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa qoraal uu maanta kasoo saarey xafiiskiisa u magacabey Gudoomiyaha Maxamada sare ee Puntland Dr. Yusuf Xaaji Nuur.

Dr. Yusuf Xaaji Nuur oo badali doona Cabdul qaadir Axmad Maxamud oo muddo xilkaan hayey ayaa Barlamanka Puntland diidey in loo cusbooneesiiyo shaqadaan kadib markii Madaxwyne Gaas ka codsadey.

Gudoomiyaha cusub oo ah qareen la yaqaano islamrkaana difaaca dadka danyarta ah ayaa xilkaan horey u qabtey markii maamulka Puntland dhidabada loo aasey.

Yusuf ayaa lagu yaqaanaa kadib markii uu ka horyimid kororsiimo muran siyaasdeed dhalisay oo AHN  Cabdulahi Yusuf ku sameeyey  xilka Madaxweynaha Puntland sanadkii 2001 kasoo Dastuurku qorayey in sadex sano ku eg-yahay. 

Sanadkii 2001 bishiisa June ayaa Yusuf Xaaji Nuur la wareegey xilka Madaxweynaha Puntland madaama Dastuurka sidaas qorayey.

Wareegtada Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu magacabey xubno kale oo Dr. Yusuf Xaaji Nuur ku wehelin doona shaqada maxkamada sare ee Puntland waxaana kamid ah:

1. Yusuf Xaaji Nuur Guddomiyaha Maxkamadda Sare

2. Nuur Ciise maxamed Guddoomiye ku-xigeen

3. Siciid Cabdi Muumin Xubin

4. Cabdiqani Diiriye Cawl Xubin

5. Axmed Haadi Aadan Yusuf Xubin

Madaxweynaha Puntland ayaa magacabista Gudoomiyaha Maxkamada sare aan raacin maxkamada Dastuurka taasoo kamid ah qodobada muhiimka u ah in maamulkaan u gudbo nidaamka xisbiyada badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM