Madaxweynaha Puntland oo magacaabey Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Puntland

Image

GAROWE- Maaxwyenaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa qoraal uu maanta kasoo saarey xafiiskiisa u magacabey Gudoomiyaha Maxamada sare ee Puntland Dr. Yusuf Xaaji Nuur.

Dr. Yusuf Xaaji Nuur oo badali doona Cabdul qaadir Axmad Maxamud oo muddo xilkaan hayey ayaa Barlamanka Puntland diidey in loo cusbooneesiiyo shaqadaan kadib markii Madaxwyne Gaas ka codsadey.

Gudoomiyaha cusub oo ah qareen la yaqaano islamrkaana difaaca dadka danyarta ah ayaa xilkaan horey u qabtey markii maamulka Puntland dhidabada loo aasey.

Yusuf ayaa lagu yaqaanaa kadib markii uu ka horyimid kororsiimo muran siyaasdeed dhalisay oo AHN  Cabdulahi Yusuf ku sameeyey  xilka Madaxweynaha Puntland sanadkii 2001 kasoo Dastuurku qorayey in sadex sano ku eg-yahay. 

Sanadkii 2001 bishiisa June ayaa Yusuf Xaaji Nuur la wareegey xilka Madaxweynaha Puntland madaama Dastuurka sidaas qorayey.

Wareegtada Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu magacabey xubno kale oo Dr. Yusuf Xaaji Nuur ku wehelin doona shaqada maxkamada sare ee Puntland waxaana kamid ah:

1. Yusuf Xaaji Nuur Guddomiyaha Maxkamadda Sare

2. Nuur Ciise maxamed Guddoomiye ku-xigeen

3. Siciid Cabdi Muumin Xubin

4. Cabdiqani Diiriye Cawl Xubin

5. Axmed Haadi Aadan Yusuf Xubin

Madaxweynaha Puntland ayaa magacabista Gudoomiyaha Maxkamada sare aan raacin maxkamada Dastuurka taasoo kamid ah qodobada muhiimka u ah in maamulkaan u gudbo nidaamka xisbiyada badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM