Shaqsi loo qabtay dilkii Gaalkacyo loogu geystay Nimco [Magaca]

Image

GAALKACYO, Puntland – Hay'addaha Amaanka Puntland ayaa qabtay nin ay rumeysan yihiin in uu yahay shaqsigii ka dambeeyay dillkii Gaalkacyo loogu geystay gabar 22-jir lagu qiyaasay, habeenkii Talaada.

Marxuumad Nimco Cumar Shire [Xuuray] oo dilkeeda loo adeegsaday Toorey dhuunta looga dhuftay ayaa la beegsaday iyada oo kasoo laabatay Salaada Taraawiixda kuna sii jeeday hoygooda oo ku yaala xaafada Garsoor.

Ruuxa ku jira gacanta laamaha amniga oo lagu magacaabo Cabdi Kheyr Aadan oo dhalinyaro ah ayaa la sheegay in lagu aqoon-saday markii la dabagal telafoonkiisa oo uu kaga tegay goobta uu falku ka dhacay.

Nimco, oo dhowaan dhameysay dugsiga sare, ayaa Isbitaalka guud ee xarunta gobolka Mudug ugu geeriyootay dhaawac culus oo kasoo gaarey Tooreyda lagu dhuftay, sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.

Ciidamada Booliska ayaa laga soo xigtay dhacdadaan ay la xiriirto isku day la doonayey in dhibanaha laga furto telafoonkeeda, taasoo markii ay ka goos-adeegtay keentay in dableyda ay Mindi ku weeraraan.

Ninka la tuhunsan yahay oo su'aallo lagu waydiinayo saldhiga Booliska ayaa la sheegay in xoogaga dowladda Puntland ay horey ugu raad-joogeen, isla markaana uu caan ku ahaa dhaca Mobeelada.

Sikastaba ha ahaatee, maxkamadaha goboladda dowladda Puntland ayaa horey xukuno xabsiyo kala duwan ah waxay ugu rideen rag burcadnimo iyo dhaca Moobeelada lagu soo eedeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM