​Maktabad Dhalinyarada gaara u ah oo Garowe laga furay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Hay’ada Kaalo Nederland ayaa magaalada Garowe maanta ka furtay dhisme weyn oo noqon doona maktabad iyo madal aqoon kororsi loogu sameeyo dhalinyarada, waxaana munaasibadii lagu furayey ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowaladda, maamulka gobolka Nugaal,iyo qaybaha bulshada.

Cabdisalaan Faarax Cali Gudoomiyaha Kaalo-nederland ayaa sheegay in ujeedada xaruntan u hirgeliyeen tahay kadib markii ay ogadeen inaysan jirin madal dhalinyarada kulmisa si kor ay ugu qadaan aqoontooda iskuna dhaafsadaan fikradaha ka qayb qaadanaya horumarka Puntland.

Dhan kele Cabdisalaan Faarax ayaa sheegay in xaruntan iyo Kaalo Naderland ay qayb ka qaadanayaan in dhalinyarada Puntland iyo kuwo kele caalamka la isku xiro islamarkaana jiri doonaan kuwa ka imaan doono dalalka shisheeye iyo kuwo dibada la gayn doono si ay isku dhaafsadaan waayo aragnimo dan u ah dalka.

Cabullaahi Xaashi Qoobdeero wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha Puntland oo xaruntan xariga ka jaray, ayaa tilmaamay inay wax weyn kusoo kordhin doonto da’ayarta dalka islamarkaana ka jihayn doonto tahriibta  iyo  inay qayb ka noqdaan falalka naftooda iyo Dalkooda wax u dhimaya.

Qaybta labaad ee daahfurka xafladan ayaa iyana waxaa ka hadlay wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, wasiiru dowlaha qorshaynta Axmed Cawaale, Xildhibaan Cabdi Siciid Surcad iyo gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Maxamed, waxayna dhammaantood soo dhawayeen hirgelinta xaruntan oo ay ku amaaneen hay’ada Kaalo Naderland.

Waa markii ugu horaysay Maktaba ku suntan Dhalinyarada laga hirgaliyo magaalada Garowe, waxayna kusoo aaday xilli da’yartu muddooyinkii dambe muujinayeen firfircooni ku aadan wax akhriska iyo qoraalka intaba.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM