Mareykanka oo duqeyn ka fuliyey Puntland iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

GAROWE, Puntland - Milatariga Mareykanka ayaa fahfaahin ka bixiyey duqeyn uu ka fuliyey buuraleyda Golis ee gobolka Bari ee hoos-yimaadda dowladda Puntland.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Washington ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarka oo la qaaday Arbacadii, 22-ka May, lagu khaarijiyey laba kamid ahaa Daacish.

AFRICOM ayaa meesha ka saaratay in howlgalkaan ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah, wallow mararka qaarkood ay dhacdooyinka noocaasi ah lasoo wariyo.

Waa duqeyntii Shanaad oo Mareykanka uu la beegsado Daacishta Soomaaliya tan iyo bishii April xili mid kamida weeraradaasi lagu dilay hogaamiye ku xigeenka maleyshiyaadkaasi, Cabdikariin Dhoqob.

"Duqeynta waxay carqaladeyneysaa dhaqaaq xorriyadeed oo ay sameeyan argagixisada iyo in ay isugu kala gudbaan hogaamiyeyaasha shabakadda," ayaa lagu yiri bayaanka.

Heidi K. Berg, agaasimaha sirdoonka AFRICOM, oo wacad ku maray in ay sii wadayaan beegsiga dagaalameyaasha Daacish ayaa tibaaxay in ay sahaleyso in xididaha loo siibo horjoogeyaasha.

"Dedaalkeena waxaan u mideyn doonaa si aan u ciribtirno hogaamiyeyaasha, kuwaasi oo mas'uul ka ah falalka," ayuu hadalkiisa ku daray, sida ku cad bayaanka.

Daacish oo degaanada Puntland ku xoogeysatay mudadii uu jiray maamulkii Cabdiwali Gaas ayaa waxaa kaga sugan gobolka Bari in ka badan 200 dagaalame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM